Tufaax
Tufaax (Af Ingiriis : apple; Af Carabi: تفاح) waa midho ka mid ah khudaarta. Geedka tufaaxa oo saynis ahaan lagu magacaabo Malus domestica waa geed midho macaan leh kaasi oo la cuno khudaarta uu dhalo. In kastoo aan weli la isku raacsanayn, geedka tufaaxo wuxuu asal ahaan markii ugu horeeysay laga helay badhtamaha qaarada Aasiya, halkaasi oo la sheegay in ilaa maanta laga helo noocyo badan oo tufaax ah.
| Tufaax | |
|---|---|
| Kala soocida cilmiga ah | |
| Boqortooyo: | Plantae |
| (darajo la'aan): | Angiosperms |
| (darajo la'aan): | Eudicots |
| (darajo la'aan): | Rosids |
| Dirka: | Rosales |
| Bahka: | Khudaar |
| Duulka: | Malus |
| Noocyada: | Nooc la Dhaqdo |
| Magaca laba-geesoodka ah | |
| La Beerto Borkh., 1803 | |
| Eray la mid ah | |
|
Malus communis Desf. | |
Sida taariikhda lagu hayo, geedka tufaaxa waxaa kumanaan sano laga beeranayay qaarada Aasiya iyo Yurub, ka dib wakhtiyadii gumeystihii reer Yurub ku fiday caalamka ayaa la gaadhsiiyay qaarada Afrika iyo Ameerika. Ayadoo ku xidhan deegaanka, waraabinta, carada iyo qaabka loo beero ayaa waxaa maanta jira ilaa 7,500 nooc oo tufaax ah kuwaasi oo ka baxa daafaha aduunka. Waxaa intaas dheer, dhadhanka, midabka iyo qarada (xajmiga) tufaaxa ayaa kala duwan; taasina waxaa sidoo kale saamayn ku leh deegaanka, carada, waraabinta biyaha, iyo nafaqada geedku helo wakhtiyada uu korayo. Xadaarada Sayniska iyo ka hortega xasharaadka ayaa waxay mararka qaar ka dhigtaa midhaha tufaaxa mid aan asal ahayn oo nafaqo iyo faa'iido badan lahayn taasi oo loo yaqaano "non-organic apple" ama tufaax aan asal ahayn.

Sida ay sheegtay Hay'ada Cuntada Aduunka, sanadkii 2013ka waxaa la soo saaray 80 milyan oo tufaax ah, kaasi oo wadanka Shiinaha lahaa ilaa kala badh.[3] Wadanka Maraykanka waa kan labaad ee ugu soo saarka badan tufaaxa caalamka (wuxuu soo saaraa ilaa 6% tufaaxa caalamka); waxaana ku xiga wadanada Turkiga, Talyaaniga, Hindiya iyo Boland. Sida caadiga ah midhaha tufaaxa uma baahna in la kariyo, waa cunto bisil oo sidiisa ayaa lagu cunaa, wuxuuna leeyahay faa'iidooyin badan oo caafimaad ah. Faa'iidooyinka tufaaxa waxaa ka mid ah in caloosha socodsiiyo ama nadiifiyo, in jidhka siiyo fiitamiino badan sida fiitamiin Sii (Vitamin C), fiiber iyo kuwo kale.
- Tufaax - Malus Wikipedia
- Tufaax - Malus domestica Wikipedia
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ "GRIN | name = Malus pumila auct. | id = 410495 | accessdate = 4 January 2012"
- ↑ "GRIN | name = Pyrus malus L. | id = 30530 | accessdate = 29 January 2012"
- ↑ "FAO production data". FAO. Retrieved 2 July 2015.