Saac
Appearance
Saacad (ingiriis: hour; carabi: ساعة ama وحدة) waa halbeeg lagu cabiro wakhtiga taas oo astaanteeda waafaqsan Nidaamka Caalamiga ee Halbeega tahay (h). Sida caadiga ah, cabirka hal saac waa 60 daqiiqo, ama 3600 ilbiriqsi. Sidoo kale hal saac waa mid ka mid ah 24ka saacadood ee maalinta iyo habeenka.
Halbeega Saacad
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Saacad oo ah cabir lagu qiyaaso wakhtiga ayaa ka sameeysan halbeegyo ka sii yar cabirka, kuwaas oo ah daqiiqad iyo ilbiriqsi.
- 1 saac = 3600 ilbiriqsi
- 1 saac = 60 daqiiqo
- 1 saac = 0.04166667 maalin