Magac guud
Appearance
Magac guud (ingiriis: common noun) waa erey guud oo loo isticmaalo in lagu tilmaamo wax, meel, shay, ama fikrad, iyada oo aan loo mucayin mid gaar ah. Waxay ka duwan tahay o ld u tahay magaca gaarka ah, kaas oo tilmaamaya wax ama shay gaar ah. Tusaale ahaan, ereyga "ey" waa magac guud, maadaama uu tilmaamayo ey kasta, ee aan loo cayimin mid gaar ah. Sidoo kale, "magaalo" waa magac guud, waayo waxay tilmaamaysaa magaalo kasta, ee aan loo mucayin mid gaar ah sida "Bosaso." Magacyada guud waxay si guud ugu adeegaan in lagu tilmaamo shay, qof, ama fikrad aan gaar ahayn, waxaana badanaa aan la xusin xarfo waaweyn ilaa ay ku bilowdaan jumlad.
Fiiri
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro Nouns.